Dowladda oo Muqdisho ku xirtay ganacsato xiriir la sameeyey Al-Shabaab

Ciidamada ammaanka ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan xiray ganacsato iyo gaadiidley lagu tuhmaayo in ay xiriir la lahaayeen ururka Al-Shabaab.

Ganacsatada la xirey waxaa ka mid ahaa Maxamuud Cumar Caddaan iyo Cadceed Xaashi. Ganacsatadan ayaa la sheegey in ciidamo si gaar ah u tababaran ay magaalada ka soo dhex xireen.

Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ehelna la ah Ganacsade Maxamuud ayaa xaqiijiyay xariga Ganacsadaha, waxaana uu sheegay inay wadaan dadaalo lagu siideynayo.