Laftagareen oo weerar Afka ah ku qaaday Xildhibaannada Golaha Shacabka

Magaalada Muqdisho waxaa xalay lagu qabtay munaasabad oo soo agaasimay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana ka qaybgalay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, Xildhibaannada & Senatarada kasoo jeeda DG KGS.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa madasha ka sheegay in la doonayo ka gudubka dhibaatooyinka siyaasadeed ee lasoo maray, maadaama shaqsiyaad usoo dhinteen gaarista hamiga siyaasadeed ee deegaannada maamulkaas.

Lafta gareen ayaa sheegay in dadka qaar looga xaq lahaa kuraasta Baarlamaan ay haatan ku fadhiyaan, balse ma uusan tilmaamin kuraastaas, inkasta oo sheegay in Xildhibaan waliba laga doonayo xushmeynta ehelka dadkii u dhintay arrimaha siyaasadeed.

“Kuraastaan qaarkood dadka u fadhiga waa looga xaq leeyahay, dad baa u dhintay, waa in la qadariyo laguna xushmeeyo ehelkooda, xitaa waxa aan heynaa in kuraasta qaarkood in xaq weyn ku leeyihiin dad nool, nin waliba waa in lagu ixtiraamo waxa uu ahaa” ayuu yiri Madaxweyne Lafta Gareen.

Dhanka kale madaxweynaha DG KGS ayaa soo jeediyay in cafis siyaasadeed la sameeyo, maadaama tabashooyin ka dhex jirto shaqsiyaadka ku lugta leh Siyaasadda, wax walibana laga dhigo xalay dhalay.