Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geerida Boqorkii Kuwait

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Galabta ku timid Amiirkii dalka Boqortooyada Kuwait, kass oo ku jiray Isbitaal ku yaalla dalka Mareykanka.

Qoraalka uu Madaxweyne Farmaajo soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu Shacabka dalka Kuwait uga tacsiyadeeyay geerida Amiirkoodii.

“Waxaa  I soo gaartay murugo aad u weyn geeridii ku timid allaha u naxariistee marxuum Sheekh Sabah Al-Axmad Al-Jaber Al-Sabah, Amiirka Dowladda Kuwait ayuu yiri” amadaxweyne Farmaajo.