Nin Ganacsade ahaa oo lagu dilay Magaalada Garoowe

Shabakadda Wararka Awdinle Online Wararka ay ka heleyso Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in Maanta halkaas lagu dilay Nin kamid ahaa Ganacsatada iyo waxgaradka Caasimadda Puntland.

Ciidamo hubeysan oo ahaa Canshuur qaadayaal ka tirsan Wasaaradda Maaliyada ee Puntland ayaa toogtay Marxuumka, xili uu ku sugnaa goob Ganacsi uu lahaa, waxaana goobta isaga tegay  Ciidankii hubeysnaa ee dilka geystay.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cabdulqaadir Siciid Aw Yuusuf, isla markaana kamid ahaa ganacsatada iyo waxgaradka Magaalada Garoowe.

Wararka ayaa intaas kusii darayaan in Askartan falka geysatay ay doonayeen in ay Ganacsato kale xoog kaga qaadaan lacag ay sheegeen in ay tahay Canshuur lasoo amray.

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa siweyn waxaa Maanta looga dareemayaa dilka ay Ciidamada u geysteen Ninka Ganacsadaha ahaa oo siweyn looga yaqaanay halkaas.