Shir u socdo Farmaajo & Madaxda Dowlad Goboleedyada

Wararka aan Caawa ka heleyno Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in Caawa Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu  shir uga socdo Madaxtooyada Villa Somalia.

Shirkan ayaa looga hadlayaa dhismaha Guddiga doorashada heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, dhismaha Guddiga Xalinta khilaafaadka jaangoynta waqtiga doorashada iyo waajibaadka Guddiyada la magacaabayo.

Dhawaan ayaa la filayaa in Madaxda ay soo Magacaabaan Guddiga doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed si ay u dedejiyaan arriimaha la xiriira doorashooyinka.