Shirkadaha Diyaaradaha oo Shaqa joojin sameeyay & buuq ka taagan Garoonka Aadan-Cadde

Wararka Shabakadda Wararka Awdinle Online kasoo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in saaka ay gadoodeen shirikadaha diyaaradaha ee gudaha dalka ka shaqeeya,iyaga oo Shaqa joojin sameeyay.

Shirikadaha ayaa ka carooday sida la sheegay markii Nabadsugida Soomaaliya ay duulimaadyadeedii joojisay mid ka mid ah Shirikadaha dalka ka shaqeeya.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in buuq ka taagan yahay gudaha garoonka, waxaana xayiran boqolaal rakaab ah oo maanta u dhoofi rabay qaar kamid ah Gobolada dalka iyo dibadiisa.