Al-Shabaab oo war kasoo saaray qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho

Dagaalamaayasha Al-Shabaab ayaa waxaa ay war kasoo saareen qarixii ismiidaaminta ahaa ee Barqanimadii Maanta ka dhacay inta u dhaxeysa isgoysyada Blackh Sea iyo Daalo ee degmada Howl-Wadaag.

Qaraxa oo ahaa miday geysatay haweeneey isku soo xirtay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa agu dilay Sarkaal ka tirsan Ciidamada NISA gaar ahaan taliyaha Ciidamada Dharcadka u qaabilsan degmada Holw-Wadaag.

Shabaab waxaa ay sheegeen in qaraxaasi ay ku dileen Sarkal Magaciisa lagu soo koobay Caana-geel iyo laba kamid ah ilaaladiisa,isla markaana weerarkaasi ay fuliyeen dabley ka tirsan Al-Shabaab.

Warar soo baxayay ayaa waxaa ay sheegayeen in sarkaalka manta qaraxa lagu dilay uu horay uga soo goostay Al-Shabaab,sidoo kalena dhowr jeer oo hore ay u soo direen farriimo hanjabaad ah.