Aqalka Sare oo Magacaabay Guddi & Shaqada ay qabanayaan oo la shaaciyay

Golaha Aqalka sare ee dalka ayaa Magacaabay Guddi Doorasho oo la socda Doorashada xubnaha Xildhibaanada ah ee Goballada waqooyi ka soo gelaya Dowladda Soomaaliya, kuwaas oo lagu dooranayo Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa waxaa lagu Magacaabay Guddiga oo ka kooban 7 Xubnood, kuwaas la soconaya sida ay u dhacayaan doorashada Xildhibaannada labada Aqal ku matalaya gobolada Waqooyi ee loo yaqaano Soomaaliland.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Magacaabsta guddigaan waxaa uu ogeeysiiyay Madaxweyne Farmaajo & Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Xildhibaannada waqtiga xilheyntooda uu geba-gabada yahay ee labada Aqal ku matala Soomaaliland.