Ciidamada AMISOM oo diidan in la qaado Haweeney Xaamilo ah oo  xanuunsan

Wararka aan ka helayo magaalada Buula-barde ee gobalka Hiiraan ayaa soo sheegaya in Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay diideen in ay berri garoonka ka soo degto diyaarad loo dalbay Haweeney ku xanuunsaneyso magaaladaas.

Qaar kamid ah ehelada Haweeneyda xanuunsan ayaa  sheegay qofka xanuunsan ay tahay Hooyo xaamilo ah islamarkaana ay la xanuunsaneyso xanuunka kalaamisada waxaana loo dalbay diyaarad yar oo qaada 12 qof.

AMISOM ayaa sheegtay in Jimcaha ay nastaan islamarkaana aysan ogoleen in wax diyaarad ah garoonka ka soo degto.

Duulimaadyada caadiga ah ayaa Buula-barde aada laba jeer todobaadkiiba, halka maalmaha kale ee loo baahdana ay ka dagi karto basle AMISOM waxey sheegeen in aysan Jimcaha furi karin shaqada Garoonka xaalad kasta oo jirta.

Qaar kamid ah ganacsatada magaalada Buula-barde oo arintaan isu xil saaray ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in ay soo farogeliso dhibaatada ka taagan Buula-barde.