Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay degagagaarka Isgoyska Black Sea ee Gobolka Banaadir,waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu ahaa haweeneey isku soo xirtay waxyaabaha qaraxa oo is qarxisay,waxaana halkaasi ku sugnaa saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo xiray wadooyinka soo galka halka uu qaraxa ka dhacay,sidoo kale waxaa jira gfurmad loo sameynayo dadka loobay qaraxa.