Askari Ka Tirsan Ciidanka Jubbaland Oo Al-Shabaab Isku Dhiibay

Al-Shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in uu isku soo dhiibay askari ka tirsanaa Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland, isla markaana uu ka howlgeli jiray degaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka gaar ahaan Xerada Baar-Sanguuni.

Askariga oo Magaciisa lagu sheegay Sadaam Macallim Buule ayaa Shabaab sheegene in muddo Saddex sano ah uu ka tirsanaa Ciidamada Jubbaland, balse ugu dambeyn uu kasoo baxay.

Deegaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka oo ay maamulaan Al-Shabaab ayaa la sheegay in askarigaas uu ku sugan yahay, isla markaana ay Shabaab sheegeen inay soo dhaweeyeen.

Maamulka Jubbaland weli kama hadlin warkaan kasoo yeeray Al-Shabaab, hayeeshee dhowr jeer ayaa Al-Shabaab waxaa ay soo bandhigeen askar ay sheegeen inay kasoo goosteen Ciidamada Dowladda & kuwa Maamulada, halka dowladda Soomaaliya dhankeeda ay soo bandhigtay saraakiil iyo Xubno ay sheegtay inay kasoo goosteen Al-Shabaab.