Dhismo ku dumay dad Aroos ka qeyb galayay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdishobayaabwaxaa ay sheegayaan in dad at ku duntay goob ay ka socotay xaflad Aroos. Dhulkana boosaneer uu ka hooseeyay.

Goobta duntay ayaa waxaa ay tahay hoolka Qoobeey ee agagaarka Isgoyska Digfeer ee magalada Muqdisho, waxaana laga soo badbaadiyay dad badan,halka wali dadka qaar ay ku jiraan Boosaneerkii.

Ciidamo Boolis ah iyo dad kale ayaa tegay halka ay dhacdada ka dhacday, iyaga oo wada dadaal ay kusoo badbaadinayaan dadka uu hoolka ku dumay ee Arooska ku sugan.