Dowladda Soomaaliya oo AMISOM ka dalbatay jawaab deg deg ah

The Special Representative of the African Union Commission Chairperson (SRCC), for Somalia Ambassador Francisco Madeira speaks during an interview in Mogadishu on February 11, 2017. SRCC describes the just concluded electoral process in Somalia as historic and symbolic of better times ahead for the country, recovering from over two decades of civil war. AMISOM Photo / Ilyas Ahmed

Sida lagu sheegay Warqadda tirsigeedu yahay OP/NSA/0834/02 oo uu ku saxiixan yahay la taliyaha Nabadgelyada Qaranka ee madaxweyne Farmaajo Cabdisaciid Muuse Cali; kuna socotay danjire Amb. Francisco Madeira madaxa howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya Askar katirsan Amisom ayaa rasaas ku furtay muwaadin Soomaali ah 12-Sep-2020 oo ku beegnayd todobaadkii ugu dambeeyey bisha September.

Sida lagu muujiyey xaashida dowladda Soomaaliya ayaa aad uga Welwelsan Sawirro iyo muuqaallo horor ah oo lagu sheegay Warqadda in la baahiyey, sidaas awgeed dowladda Soomaaliya ayaa weydiisatay Amisom in ay dhacdadan kusameyso baaritaan degdeg ah islamarkaana daahfuran.

Xaashida la taliyaha Nabadgelyada Qaranka ee madaxweyne Farmaajo Cabdisaciid Muuse Cali; ayaa lagu yiri: “Waxa aan ka codsaneynaa ergada midowga Afrika ee joogta Soomaaliya in ay baaritaanada hordhaca ah la wadaagto ama tusto xukuumadda Soomaaliya, sidaas oo kalana waxa aan dalbaneynaa in la soo sida ugu dhaqsaha badan loo soo dhammeeyo baaritaanka si ay u suuragasho in la xisaabiyo kuwa ku lugta leh

Sida ay shaaciyeen hay’adaha Human Rights Watch & Amnesty International ciidanka Amisom ayaa Soomaaliya ka geystay tacadiyo kaladuwan oo lid ku ah xuquuqda aadanaha hayeeshee AMISOM ayaa diidday eedaha loo jeediyey ee la xiriira ku xad-gudubka xuquuqda aadanaha.

Ciidanka howlgalka midowga Afrika ayaa dhowr mar oo hore geystay dilka dad rayid ah