Madaxweynaha Puntland oo sheegay inay qabeen walwal doorasho balse…

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay hehsiiska laga gaaray arrimaha doorashooyinka & jadwalka laga soo saaray xilliga ay dhacayaan doorashadooyinka Baarlamaanka labada Aqal, Guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Madaxweyne sheegay waxaa uu sheegay in walwal badan oo ay ka qabeen dhinaca arrimaha doorashada Soomaaliya ay soo dhamaatay, isla markaana uu rajeynayo in muddooyinka soo socda in dalku uu geli doono doorasho, si nabad ah uu ku geli doono oo xasilooni ah.

Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho, xilli uu u ambabaxayay Magaalada Nairobi ayaa waxa u rajeeyay Shacabka Soomaaliyeed deganaansho iyo nabad ay ku fara adeygaan , dowladdnimadooda ay gacantooda ku haystaan iyo inay  amniga ku dadaalaan.