Xildhibaan iska casilay Guddi uu Magacaabay Guddoomiayaha Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Shalay Magacaabay Guddi ka kooban 7 Xubnood, kuwaas oo la soconaya Xildhibaannada Soomaaliland ku Matalaada Soomaaliland, hayeeshee waxaa ku dhawaaqay in uu iscasilayy mid kamid ah Xubnaha kamid ah Guddiga.

Senator Cabdirisaaq Axmed Cali oo Xubnaha Guddiga ayaa sheegay in uusan ka warqabin Xubnaha Guddiga ee lagu daray, hayeeshee kaliya uu arkay Qoraalka Guddiga uu Magacaabay Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Waxaa uu sheegay Senator Cabdirisaaq in uusan wax talo ah ku laheyn,isla markaana uu taageersan tahay go’aankii kasoo baxay Golaha wadatashiga ee ahaa in Guddiga maamulaya Doorashada Soomaaliland soo Magacaabo Xukuumadda Soomaaliya.