Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle oo la tashiyo bilaabay

Guddiga Doorshada Baarlamaanka 2aad ee Dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa maanta yeeshay kulan ay uga arinsanayaan soo saarista jadwalka doorashada.

Kulanka Gudiga oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Cusmaan Maxamed Mukhtaar baareey ayaa la filaya in dhowaan ay shaaciyaan Jadwalka Doorashada Hirshabeelle.

Guddiggaan waxa ay sheegeen in ay dardargalin doonaan howlaha doorashada maamulka Hirshabeelle, waxaana jira wararka sheegaya in dib u dhac ku yimid doorashada maamulka Hirshabeelle.

Bisha soo socota ayaa dalka  waxaa ka bilaaban doona doorashada xildhibaanada labada Aqal ee dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay soo jeedisay in dib loo dhigo doorashada Hirshabeelle.