Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Rooble oo dalka ka dhoofaya

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in si kala gooni gooni ah inay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho uga dhoofaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u dhoofaya wadanka Koonfurta Suudaan, waxaana socdaalkiisa kazoo baxaya warar kala duwan,waxaana uu la kulmi doonaa Madaxda dalkaas, iyada oo Madaxweynaha uu qeyb ka ahaa heshiiskii Madaxweynaha Koonfurta Suudaan iyo mucaaradka dhexmaray.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa isagana waxaa uu u dhoofaya doonaa dalka Kuwait,isaga oo halkaasi u tahay tacsida iyo ka qeyb galay Aaska Boqorkii dalkaasi Kuwait oo dhawaan ku geeriyooday dalka Marekanka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa safarkaan waxaa uu noqonayaa midkii ugu horreeyay ee uu dalka kaga baxo tan iyo markii xilka loo Magacaabay, waxaana uu la kulmi doono Boqorka Cusub ee dalka Kuwait iyo Madax kale.