Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Caawa gaaray Kuwait

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kuwait ee caasimadda Kuwait.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan dowladda  Kuwait waxaana ay uga qeybgelayaan tacsida iyo duco  amiirkii dalka Kuwait ee dhawaan geeriyooday Sheikh Sabaax Alaxmed Alsabaax.

Sii Hayaha wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukumadda federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad oo faah faahiyay socdaalka Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa sheegay in  uu la kulmi  doono madax kala duwan.