Waare oo la kulmay Xildhibaannada Federaalka ku matala Beesha Xawaadle+Sawirro

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Muqdisho Kulan qado ah kula qaatay Xildhibaannada Dowladda Federaalka ku matala Beesha Xawaadle, Waxagardka, aqoonyahanada, Dhalinyarada iyo Haweenka Beesha Xawaadle kulanka oo looga hadlayay arrimaha Siyaasadda Hirshabelle iyo tan Federaalka.

Kulanka oo saacada badan socday ayaa lagu soo bandhigay Aragtiyo la xiriira Aayaha iyo Horumarka Beesha, waxaana lagu balamay Kulamo kale iyadoo Guddi farsamo ay ka soo shaqeyn doonaan kulamadaasi oo Gogol xaar u noqonaya Xoojinta Iyo Midnimada Beel weynta Xawaadle.

Kulamadaan ayaa waxaa ay kusoo aadayaa xilli Maamulka Hir-Shabeelle dhawaan uu galayo doorashooyin, isla markaana howlo lagu dardar gelinayo ay ka socdaan Magaalada Jowhar.