Shirkadda DP World oo diiday dalab uga yimid Maamulka Puntland

Xogo madax banaan oo aan ka helnay Madaxtooyada Puntland & Ganacsatada Boosaaso ayaa sheegaya in ay shirkada P&O ee qeybta ka ah DPWORLD ay diiday dalab ay bishii August 2020-kA, u gudbisay Madaxtooyada Puntland oo ku wajahnaa in Xafaarad laga leeyahay Jabuuti ay timaado dekeda Boosaaso si ay u furto marinada xirmay ee dekeda laga oo gali lahaa.
DP WORLD ayaa qoraalkaas oo ay 3 maalin ka hor kasoo jawaabtay sheegtay in ay heshiis dhan 30 sanno ku haysato Qandaraaska Dekeda, loogana baahan yahay Puntland in ay dhawrto heshiiska, P&O waxay kaloo ku cadeysay qoraalkeeda, sida ay xoguhu cadeynayaan in qodobada heshiiska ah ay jabisay Puntland oo ay kamid tahay Saxaafadda oo laga hadlay.
P&O, waxay diiday oo kale in Ganacsatadu ay bixiso lacag ay ku dhisto marin qabyo ahaa oo ay qabyo uga tagtay Xukuumaddii Siyaad Barre, waxayna hoosta ka xariiqday in ay iyadu xaq u leedahay hadda Qandaraaska Dekeda.