Axmed Madoobe oo sheegay in aan weli xal loo helin Arrinta Gedo

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furay Kal-Fadhiga Sadexaad ee Golaha Wakiilada Jubaland isagoo khudbadiisa furitaanka kaga hadlay dhinacyo kala duwan.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Jubaland, isagoona sheegay in dhibaatada ka taagan Gobolka Gedo ay tahay waxa ilaa hada uu raadinayo sidii xal looga gaari lahaa isla markana uu albaabada u furay cid walba oo arintaas ku lug leh gaar ahaan Dowlada Federaalka balse ilaa hada ay dhinacooda waxba ka socon la’yihiin.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka ay wado Wasaarada Arimaha gudaha Jubaland ee lagu dhisayo golaha deegaanka Degmada Afmadow isagoo xusay in sidoo kale la bilaabi doono dhismaha golayaasha deegaanada Degmooyinka kale gaar ahaan Gobolka Gedo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Arimaha Doorashooyinka heer Federaal laga gaaray heshiis dhab ah kaas oo dhabaha u xaaraya sidii dalka uu ugu jihaysan lahaa Doorashooyinka 2020/2021 taas oo ah wado aan la dhaafi Karin oo Sal iyo Tariikh lagu yaqaano ah Dowladnimadeena in afartii sanaba hal mar ay dhacdo Doorasho dalka u jigaysa wadada Hormarka.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in kahor Doorashada Xildhibaanada Federaalka ah xal laga gaaro Arimaha u dhexeeya Dowlada Federaalka ah iyo Jubaland oo ay ugu weyn tahay arinta Gedo wuxuu intaas ku daray Madaxweynahu in iyadoo ayna Gobolka tagin Maamulka Gobolka Wasaarada Arimaha gudaha Jubaland Dowlada Federaalka ahna aanay Ciidamadeeda kala bixin Gobolka ayna dhici karin Doorashada Xildhibaanada qaybta loo asteeyay Magaalada Garbogaareey.