Ciidamada Ammaanka oo Muqdisho ku dilay Nin weerar geysan rabay

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa Caawa toogtay Nin ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo la sheegay in uu weerar bambaano geysan rabay.

Ninkaan ayaa Saraakiil ka tirsan Boolisku sheegeen in uu doonayay in uu Bab ku tuuri Goob ay dadka isugu yimaadeen oo ku taalla agagaarka Daalo we degmada Howl-wadaag, balse Ciidamada oo ka warhelay ay dileen.

Ciidamada Booliska Booliska Dowladda ayaa sidoo kale waxaa ay sameeyeen howlgal ay ku baadi goobayeen xubno la sheegay inay la socdeen Ninka bamka tuuri rabay.

Goobta Ninka ka tirsanaa Al-Shabaab Caawa lagu toogtay ayaa waxaa ay tahay goobtii todobaadkii hore weerar ismiidaamin ahaa lagu dilay Taliyihii Ciidamada Nabadsugida qeybta dharcadka ee degmada Holw-wadaag.