Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo lagu cadaadinayo in uu is casilo

Waxaa magaalada Dhuusamareeb ka socda qorshe isbadal ku keeni kara Hoggaanka Baarlaaanka Galmudug, kadib markii madaxwaynaha Galmudug oo dhowaan muqdisho kula kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS Xassan Cali Kheyre uu aqbal in uu Baarlamaanka Galmudug hoggaanka u qabto Xildhiban Xuseen Iidow oo habeenkii sadaxaad Dhuusamareeb jooga, kana mid ahaa wafdigii muqdisho kala yimid dhowr cishe kohor.

Xusseen iidow ayaaa qorsheynayaa in uu ku fariisto kursi laga dalbadey in uu baneeyo Xildhibaan Abduqaadir Abdullahi Abdulle
Daabjeerin oo ay isku reer yihiin, qorshahan waxaa dhinac yaala dalab Madaxtooyadu u jeedisay Gudoomiye gacal oo lagu doonayo in uu si iskii ah isku casilo, kadibna lasiiyo Xubinta beeshiisu ku leedahay Baarlamaanka Faderaalka.

Gacal oo aan wali u dhag raaracin dalabkan ayaa la kulmaya soo jeedino kaga imaanaya dhinacyo kala duwan oo kaga faa’iidaysanaya qilaafka kala Xildhibaanada qaar, kaa oo ugu dambeyn muujinaya in loo adeegsan karo mooshin lagu rido.