Roobab Duufaan wata oo 10 qof ku dilay hal Goob

Ilaa iyo inta hadda la xaqiijiyey 12 qof ayaa ku dhintey boqol dad badana wali waa la baadi goobayaa kadib roobab xoogan oo wata duufaan oo ka da’ay dalalka Fransiiska iyo waqooyiga galbeed ee Talyaaniga.

Dalka Britain gobolada ku yaala waqooyiga ayaa siddoo kale laga digey roobab xoogan in ay ka di’i doonaan dabayaaqada toddobaadkan.

Madaxda dalalka Yurun ayaa dadaal ugu jiro sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadka ay waxyeelada kasoo gaarto roobabka dabeylaha wata ee ka da’ay qaar kamid ah dalalka.