Soomaaliya & Cuba oo ka wada hadlay dhaqaatiir u afduuban Al-Shabaab

Wasiirka arrimaha dibedda Cuba Bruno Rodriguez ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad dadaalka ay dowladdiisu ugu jirto dammaanad-qaadka soo celinta laba dhakhtar ee u dhashay Cuba oo in ka badan sannad ka hor laga afduubay Kenya.

Waxaa uu sidoo kale  caddeeyay sida Cuba ay u dooneyso inay xoojiso xiriirka labada dal.

Dhakhaatiirtan Cuba ayaa la afduubay 12-kii Abriil, 2019 iyagoo ka shaqeynayay Kenya, tan iyo xilligaas dowladda Cuba waxay xiriir joogto ah la lahayd Kenya iyo Soomaaliya si dhaqaatiirtaasi loo soo badbaadiyo.

Bishii Abriil  ee sanadkaan 2020, Madaxweynaha Cuba Miguel Diaz-Canel wuxuu la hadlay qoysaska dhibbanayaasha hal sano ka dib wuxuuna u xaqiijiyey  inkastoo cudurka Corona virus uu sameeyay dadaaladii ay wadeen haddana in Soomaaliya iyo Kenya ay kala shaqeyn doonaan soo deyntooda dhaqaatiirta.

Dhakhaatiirta kala ah  Assel Herrera, oo ah khabiir ku takhasustay cudurada Guud  kana soo jeeda gobolka Las Tunas iyo Landy Rodriguez, oo ah dhakhtar qalliin oo ka socda Villa Clara waxay ka mid ahaayeen howlgalka caafimaadka ee Cuba ee Kenya.