Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda

Madaxweynaha dowlad goboleedka  Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay sii hayaha Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada xukuumada federaalka Soomaaliya oo Maanta gaaray magaalada Badhabo

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa waxaa uu kulan kooban oo isxog-wareysi ah la qaatay sii hayaha wasiiru-dowlaha wasaaradda waxbarashada dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri iyo agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada xukumadda federaalka Soomaaliya.

Xubanahaan ka socday dowladda Soomaaliya ayaa magaalada baydhabo u tagaya mashaaruuc hormarineed oo ku aadan dhinaca waxbarashada maamulka koogfur galbeed.