RW Rooble oo Guddi u Magacaabay Aaska Cali Khaliif

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ugu horeyn Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cali Khaliif Galeyr ayaa magacaabay Guddi Qaran oo ka shaqeynaya Aaska loo sameynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Guddiga ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 13 kamid ah siihayaasha Golaha Wasiirada Soomaaliya, waxaana Guddoomiye u ah siihayaha Ra’iisul Wasaare kuxigeeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.