Beelo degan Gobolka Sanaag oo Puntland ugu hanjabay inay Go’ayaan

7 kamid ah Qabaa’ilada gobalka Sanaag, oo galabtay shir kuqabtay magaalada Badhan ayaa ku eedeeyey wasiirka Arrimaha gudaha ee Puntland in uu faragalin ku sameeyey arrimaha Golaha deegaanka.

Waxgarad Shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ay qaadi doonaan talaabooyinka kala ah.

1. In ay joojiyeen canshuurta ay bixinayeen.

2. In xubnahooda kamid ahaa golaha deegaanka ay ka bixi doonan golaha fadhiyadooda.

Waxay ku eedeeyeen wasiirka Arrimaha gudaha faragalin arrimaha beelaha iyo isku dir ay sheegeen in uu gobalka ka sameeyey.

7 Beelood ayaa kala ah:
1. Belweynta Ogayslabe iyo Bahawadaagteeda.
2.Beesha Reer Saalax iyo Baha wadaagteeda.
3. Beesha Warlabe.
4. Beesha Jibriil Siciid
5. Beesha Bah-Idoor
6. Beesha Nuux Yuusuf (Muxumud)
7. Beesha Reer Yuusuf.