Nabadoon sheegay in shirqool lagu dili rabo Taliyaha Ciidanka DANAB

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah Odayaasha Dhaqanka muqdisho ayaa qeyl-dhaan waxaa uu kasoo saaray xarig la sheegay in Muqdisho loogu geystay Taliyihii Ciidanka Kumaandooska DANAB Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin.

Shir jaraa’id uu Warbaahinta ugu qabtay muqdisho ayuu ku sheegay inay soo gaartay in Taliyaha la doonayo in loo wareejiyo Xabsiga Dhexe ee Xamar, isa markaana Shabaabka ku xiran ay dilaan.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in hadii ay tallaabadaasi dahcdo aysan ka gambaneyn, isla markaana shallaay ay la yaabi doonaan ay gaarsiin doonaan raga shirqoolkaas u maleegaya Taliyaha.

Waxaa uu sheegay Nabadoon Xaad in Sarkaalka loo beegsano beel ahaan, sidoo kale villa Soomaaliya aan laga dooneyn wax dowladnimo ah, isaga oo si cad u sheegay hadii la dhibateeyo Taliha Ciidanka DANAB inay jawaab ka bixin doonaan.

Muddo ka badan laba bilood ayaa la sheegay in Taliyaha uu ku xiran yahay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee muqdisho, isla markaana Madaxweyne Farmaajo uu raadinayo dambi uu xilka uga qaado.