Qoyska Marxuum Cali Khaliif oo dalbaday in baaritaan lagu sameeyay waxa sababay geerida

Qoyska Raysal wasaare hore, Cali Khaliif Galaydh (AUH) ayaa dalbaday in baadhitaan lagu sameeyo meydka Marxuumka, iyaga oo tilmaamay in uu u dhintay cunto uu ku xanuunsaday:

“Calooshaa laga qabtay, wuu shubmay wuu fuuq baxay. Isaga ayaa inoo sheegay. ‘Cuntadaas is dhaaftay ayaan u maleynayaa sababta xanuunka’, ayuu nagu yiri. Cuntadan maxay sii tahay? xaggee ka cunay? arrintaa ma aanan gelin marka arrin fudud ayaan iska moodeynay markii hore, waxaana is laheyn wuu iska dhammaani.”

Sidaas waxaa idaacadda BBC u sheegey Mukhtaar Xamaud oo kamid ah qoyska Galaydh.

Meydka Marxuum Cali ayaa habeenkii labaad ku baryaya Jigjiga, waxaana dib u dhac ku yimi qorshe la filayey in Xamar lagu geeyo si Aas-qaran halkaasi loogu sameeyo.