XOG: Maxaa xilka looga qaaday Guddoomiyihii degmada Afgooye?

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa xilkii waxaa uu ka qaaday Guddomiyihii degmada Afgooye Ibraahim Cumar Qasim,isaga oo Guddoomiye Cusub Magacaabay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha ayaa waxaa Aweys Buulalow loogu magacaabey Guddoomiyaha degmada Afgooye, iyada o la amray in xilka uu si wanaagsan Bulshadiisa ugu adeego.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha xilka looga qaaday, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Odayaasha Dhaqanka degmada Afgooye ay cabasho ka gudbiyeen taas oo ku Aadan in la musuq maasuqay gurmadkii loogu talo galay fatahaadaha degmada Afgooye.