Al-Shabaab oo War layaab leh kasoo saaray dil ka dhacay Gaalkacyo

Faah faahino dheraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dil kooxo hubeysan ay xalay Nin Dhalinyaro ahaa ugu geysteen  Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyaga oo dilka, kaddib goobta ka baxsaday.

Ninka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Siciid Jaamac Maxamed (Siciid Maradona) ayaa argga hubeysan waxaa ay ku dhex dileen Gudaha masjidka Abuu Hurayra ee xaafada Israac,sida ay sheegeen dad ku sugan Magaalada Gaalkacyo.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilkaas, iyaga oo sheegay in Saciid Maaradoona uu ka tirsanaa Sirdoonka Maamulka Puntland mudana uu u Shaqeynayay.

Dilalka qorsheysan ayaa inta badan waxaa ay ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaaliya, waxaana mas’uuliyadooda sheegta Kooxda Al-Shabaab