Nin Dhalinyaro ahaa oo lagu dilay Gaalkacyo iyo faah fahin laga helay

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa caawa lagu dilay nin rayid ah oo lagu magacaabo Siciid Jaamac Maxamed, loona garan-ogaa (Siciid Maradona).

Marxuumka ayaa la dilay isagoo ku dhexjira masjidka Abuu Hurayra ee xaafada Israac, salaadii maqrib kadib, sida ay saraakiil ka tirsan Booliska u xaqiijiyeen warbaahinta

Dilka ayaa la sheegay inuu geystay nin dhallinyaro ah oo ku hubeysan baaskoolad, kaas oo baxsaday.

Marxuum Siciid Maradona ayaa ahaa taksiile caan ah oo ka dhexshaqeyn jiray magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo.

Ciidamada amniga Puntland ayaa hadda magaalada Gaalkacyo ka wada howlgal lagu baadigoobayo ciddii geysatay dilkaas.