Al-Shabaab oo madaafiic ku weeraray Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiya

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar madaafiic loo adeegsaday oo Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhiga Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee Qansax-dheere lagu weeraray in ka badan 7 Hoobiye, kuwaas oo jugtooda laga maqlay Xaafadaha kala duwan ee degmada qansax-dheere ee gobolka Baay.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya dhankooda ay tiro madaafiic ah ugu jawaabeen Ururka Al-Shabaab, isla markaana uu jiro khasaaro madaafiicda kasoo gaaray dad rayid ah.

Dadka ku nool degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegeen inay cabsi soo wajahday, kaddib hoobiyeyaasha ay degmadaasi isku weeydaar sadeen Al-Shabaab & Ciidamada Itoobiya, arrintaasi oo ah mid soo lab laabatay.

Maamulka degmada Qansaxdheere iyo laamaha Amniga degmadaasi weli kama hadlin weerarkaas, hayeeshee dhowr jeer oo  hore ayaa sidaan oo kale Al-Shabaab ay madaafiic ku weerareen Saldhigyada Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degaano ka tirsan gobolka Baay.