Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho & Al-Shabaab oo sheegtay

Rag hubeysan ayaa Gudaha Suuqa Bakaaraah ee Magaalada Muqdsho Waxaa ay Maanta ku dileen laba Nin oo ka tirsan Ciidamada Nabdsugida iyo Sirdoonka Soomalaiya, iyaga oo dilka, kaddib goobta ka baxsaday.

Dilka ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Qeybta Cabdalla Shideeyaha ee Suuqa Bakaaraha, waxaa raga la dilay ay Goobjoogayaal sheegeen inay ku labis naayeen dareeska Ciidamada Nabdsugida Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilkaas, iyaga oo sheegay in rag ka tirsan ay dilkaais fuliyeen, isla markaana si nabad ah dilka,kaddib ay goobta uga baxsadeen.

Si kastaba shalay ayay aheyd markii Suuqa Bakaaraha lagu dilay askar ka tirsanaa Ciidamada kuwa Canshuurta qaada ee loo yaqaano mina shiibiyada, iyada oo isla dilkaasi ay sheegteen Al-Shabaab.