Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo mushaarka ka jaray Xildhibaan

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal oo maalmihii dambe warar soo baxaya ay sheegayaan ay ku socday olole mooshin ah ayaa maanta sameeyey iska caabin culus kadib wareegto uu soo saaray.

Guddoomiye Gacal ayaa fadhiyada baarlamaanka Galmudug ka mamnuucay xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow laga bilaabo 12 Oktoobar 2020 oo maanta ah.

Xildhibaankaan fadhiyada baarlamaanka laga mamnuucay aya horey Gudoomiye Gacal kula loolamay xilka gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Xildhibanao badan oo ka tirsan Barlamaanka Galmudug ayaa caawa yeelanaya kulamo ay kaga Soo horjeedaaan Arin tani, isla markaana laga yaabo inay Warsaxaafadeed soo saaraan.