Shaqada Dekadda Magaalada Boosaaso oo Maanta istaagtay

Xaaladda Shaqo ee dekeda magaalada Boosaso ayaa istaagtay maanta, markii ay Mudaharaad sameeyeen Shaqaalaha muruqmaalka ee ka xoogsada Dekeda, waxayna doonayeen in loo kordhiyo Lacagta dajinta iyo rarida ee marsada ay ka helaan.

Ciidamada Ilaalada Dekeda ayaa ul iyo budad u adeegsaday kala ceyrinta Mudaharaadka Shaqaalaha xamaliga ah, waxayna ku cowdeen Muruqmaalkan in dajinta iyo raridu ay joogto halkii lagu jaangooyey 28 sanno ka hor, xiligasna halka  $1 Dollar ahaa (8,000Shiling Somali), haddana uu marayo 42kun oo shiling Soomaali ah.

Ganacsatada ayaa diiday kordhin ay ku sameeyan lacagtan, taas oo kaliftay in aysan maanta shaqo jirin.