Al-Shabaab oo sheegtay inay dileen mid kamid ah dadkii soo dhisay Maamulka Jubbaland

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Maanta Xaafada Tusbaxle oo ka tirsan Waaxda Raadeelka oo ka tirsan degmada Deeyliine ee Magaalada Muqdisho ku dileen mid kamid ah dadkii dhisay Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Ninka la dilay oo Magaciisa lagu sheegay Aadan Kaali ayaa Shabaab sheegeen in uu kamid ahaa xubnihii firfircoonaa ee waxkasoo dhisay maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland.

Ragga dilka u geystay Ninkaas ayaa goobta ka baxsaday, waxaana goobta tegay oo meydka ka qaaday Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay askar iyo mas’uuliyiin kale, waxaana mas’uuliyadda dilalka sheegtay Al-Shabaab.