Caqabado RW Rooble ka hortaagan Magacaabista Golihiisa Wasiirada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaan weli soo Magacaabin Golihiisa Wasiirada, waxaana soo baxaya caqabado hortaagan, kuwaas oo uga imaanaya dhinacyo farabadan.

Xogaha la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in RW Rooble uu damacsanaa in si fudud uu kusoo Magacaabo Golaha Wasiirada, isla markaana inta badan Wasiirada xilka siihaya uu soo celiyo, hsyeeshee at geystaan caqabado uga imaanaya Beelo doonaya in la qanciyo, Beesha Caalamka oo dooneysa in la helo Wasiiro waxqabad muujiya maadaama waqtiga uu yar yahay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 18-kii bishii September ee sanadkaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u magacaabay Eng Maxamed Xuseen Rooble, waxaana uu balan qaaday 8 qodob oo uu tirada saari doono, kuwaas oo laga sugayo fulin teeda.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dooneysa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu soo Magacaabo Wasiiro hoostaga, kuwaas oo loo adeegsado Arrimaha doorashooyinka oo xusul duub loogu jiro sidii Madaxweyne Farmaajo uu kusoo laaban lahaa.