Ciidamadii ugu badnaa oo ka goostay Maamulka Puntland

Wararka aan maanta ka heleyno deegaanada Somaliland ayaa ku waramaya in ciidamo ka goostay maamulka Puntland ay ku biireen Somaliland.

Saraakiil ka tirsan Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa soo bandhigay ciidamadaas oo aad u hubeysan, sidoo kalena wata gadiidka dagaalka.

Saraakiisha Somaliland ayaa soo dhaweyn u sameeyay ciidamadaas oo ay ku tilmaameen tiradooda ku dhawaad 50 askari oo wata hubkooda iyo gadiid dagaal.

Ciidamadaas ayaa lgu soo bandhigay degmada Boocame oo ka tirsan gobolka Sool, waxayna saraakiisha Somaliland sheegeen in hadda kadib ciidamadaasi ay ku xuquuq yihiin kuwooda.

Marar badan ayey Somaliland iyo Puntland soo bandhigeen ciidamo ay sheegeen inay u soo kala goosteen, waxayna labadaas maamul isku heystaan gacan ku heynta gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.