Ciidamo ka wada tirsan Doadda oo Muqdisho ku dagaalamay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in barqanimadii Maanta dagaal uu ka dhacay qeyb kamid ah degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalkii dhexmaray Ciidamada dowladda uu sigaar ah uga dhacay halka loo yaqaano Xaawa-Casir ee Kaaraan, waxaana dagaalka uu ku salka ku hayaa arrimo la xiriira dhul ku yaalla halkaas.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in dagaalka oo socday muddo kooban uu geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo goobta ka Agdhawaa.

Hal Ruux oo la sheegay in uu ahaa baalashle ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka qof kalena dhaawac uu soo gaaray, sida uu sheegay qof ku sugnaa agagaarka Xaawa-Casir ee degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Xaaladda Xaawa-Casir ayaa haatan ah mid degan, waxaana Ciidamada dagaalamay oo ka wada tirsan Milateriga dowladda ay isku heystaan dhul ku yaalla deegaankaas, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga oo ku aadan dagaalka.