Dadku dhintay Gaari dad Shacab ah saarnaayeen oo la rasaaseeyay

Rag hubeysan ayaa la sheegay inay rasaaseeyeen Gaari nooca dadweynaha raacaan ee loo yaqaano Hoomeyda, xili uu marayay deegaanka Garsaale oo ku yaalla inta u dhexeeysa Magaalada Jowhar iyo Balcad una dhow Tuulada Qalimow.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarkaas, waxaana ku geeriyooday laba qof, halka tirro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo dhammaantood la socday gaariga.

Dad ka baxay deegaan ku dhow Balcad ayaa gurmad u sameeyay dadkii waxyeelada kasoo gaartay weerarkaas, isla markaana kuwa dhaawacmay waxaa loo qaaday Xarumo Caafimaad, waxaana gaarigaas uu ka baxay Muqdisho, kuna sii jeeday deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Weli lama oga dadka ka dambeeyay falka lagu rasaaseeyay Gaariga, hayeeshee Kooxo Burcad ah ayaa mararka qaar waxaa ay dhac ka geystaan wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.