Dowladda oo dhagxaanta ka qaaday qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa xalay  qaaday dhagaxaanta ay horey dowladdu ay u dhigtay bartamaha Wadooyinka Muqdisho oo muddo sanado ah ay dhibaato ku qabeen shacabka Soomaaliyeed.

Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal Isgosyada iyo konroolada dhagaxaanta laga qaaday waxaa ka  mid ah  sanca siinay, Seybiyano ,Tarbuunka , Sh Cali suufi iyo meello kale .

Gawaarida dhagaxanta qaadda ayaa lagu arkaayay xalay iyaga oo ka daabulaya wadooyinka muhiimka ee Muqdisho oo intii Madaxweyne Farmaajo xilka hayay ay dhagaxaan buux dhaafiyeen.

Shacabka iyo gaadiidka ayaa ku qabay dhibaatooyin xoogan,iyadoona mar kala duwan dowladda ka codasaday in ay jidadka u furto, laakiin ay iska diiday.

Dowladda kama hadlin wali wadooyinka la furay xalay laakin warar qaar ayaa sheegay in la xiray wadooyin kale oo la sheegay in xaaladdu amni loo xiray .

Sidda aan xogta ku helnay dhagaxaanta ayaa la geyn doona Kontooralada laga soo galo Muqdisho , halkaas oo laga suggi doono Amniga caasimada.