Mas’uuliyiin ku baxay shaqaaqo ka dhacday duleedka Beledweyne

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan kan Degmada Beledweyne iyo Saraakiisha Ciidamada qalabka sida ayaa ku guuleystay In xabad joojin ay kala dhex dhigaan laba Beelood oo xurguf coladeed shalay gilinkii danbe ku dhex Martay Tuulada shiir kaneeco oo ka mid ah Tuulooyinka waqooyi ee Magaalada Beledweyne oo si daa uga fogeyn Buuraha caanka ah ee Qowladeed.

Masuuliyiinta iyo sarakiisha ayaa la kulmay wax garadka labada dhinac ay colaadu dhex martay kana dalbaday in xabadda la joojiyo ayigoona ka aqbaleen waxgarada labada Beel ay xiisadu dhex martay Arinkaasi.

Xisada ayaa ka dhalatay sida la sheegay dhul la hashiyada ku taal degaanka In kasta oo aan sibrasmi ah loo xaqiijin qasaraha dhimashada iyo dhawac kala gaaray labada dhinac.