RW Rooble oo sheegay in uu ku dhibanaa wadooyinka xiran

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa faahfaahin ka bixiyay qorshaha dowladda Soomaliya ay ku fureyso wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ka dib markii Shacabka Muqdisho ay cabasho ka muujiyeen.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay munaasabad lagu sheegay in ay tahay furitaanka Wadooyinka Muqdisho ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay maanta furtay qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho oo dhagaxaantii laga qaaday.

Waxaa uu ugu baaqay Shacabka Muqdisho in ay la shaqeeyaan hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya si loo dhameystiro qorshaha Ammaanka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa xalay  qaaday dhagaxaanta ay horey dowladdu ay u dhigtay bartamaha Wadooyinka Muqdisho oo muddo sanado ah ay dhibaato ku qabeen shacabka Soomaaliyeed.

Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal Isgosyada iyo baaraha konroolada  ee  dhagaxaanta laga qaaday waxaa ka  mid ah  sanca siinay, Seybiyano ,Tarbuunka , Sh Cali suufi iyo mello kale walow lagu xiray meelo kamid ah wadada Warshadaha.