Shir u socdo Madaxda Sirdoonada Soomaaliya, Itoobiya & Ereteriya

Madaxda Sirdoonada Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa shir uga socdaa magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Shirkan ayaa la rumeysan yahay inuu ka dambeeyay booqashadii todobaadki hore Madaxweyne Farmaajo ku tagay Asmara oo siyaasiyiinta mucaaradka shaki weyn ka muujiyeen iyo booqasho kedis ah oo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ku tagay dalka Itoobiya.

Dad badan ayaa shaki ka muujiyay in shirka u socda Madaxda Sirdoonka saddexda dal in looga hadlayo arrimaha doorashada Soomaaliya, maadaama Madaxweynayaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya uu ka dhaxeeyo xulufo siyaasadeed.