(WARBIXIN) Dowlado ku tartamaya in Saldhig Millateri laga siiyo Soomaaliya

Quwadaha aduunku ayaa ku hardamaya in saami laga siiyo gobolka Geeska Afrika wixii ka dambeeyay markii isbahaysiga milateriga ee Sucuudigu hoggaaminayo Maraykankuna uu ku lug lahaa ay  faragaliyeen dagaalkii Yemen ee sanadkii 2015, iyadoo wixii xilligaas ka dambeeyay gobolka Geeska Afrika uu noqday gobol istiraatiiji u ah hardanka Quwadaha aduunka.

Iyada oo taas jirto Isbaheysiga la aasaasay 2015 ee Sucuudigu hogaaminaya loona aasaasay in ay ka adkaadaan fallaagada Xuutiyiinta (oo ay maalgaliso Iran), ayaa waxaa ka qayb qaatay sagaal dal oo dhaca Bariga Dhexe, Galbeedka iyo Waqooyiga Afrika, iyo Mareykanka.

Ma jiro mid ka mid ah dalalka Geeska Afrika oo si toos ah ugu lug lahaa dagaalka, laakiin gobolka ayaa muhiim u noqday hawlgallada amniga ee quwadaha adduunka, oo ay ku jiraan kuwa ku loolamaya Khaliijka.

Abriil 2019, warqad uu qortay Machadka Caalamiga ee Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm ayaa muujisay in waddan kasta oo dhaca Geeska, marka laga reebo Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan, ay ugu yaraan hal saldhig militari ku leeyihiin hay’ad shisheeye. Kenya, Soomaaliya, Eritrea iyo Djibouti waxa ay martigalinayeen saldhigyo ay ku leeyihiin Maraykanka, France, UK, Turkey iyo quwadaha kale ee waaweyn ee caalamka.China's first overseas military base opens in Djibouti - CGTN

Loolanka Bariga Dhexe ayaa soo ifbaxay markii Jabuuti oo ay saldhigyo ku leeyihiin dhammaan quwadaha adduunka ay oggolaatay codsigii Sucuudiga ee ahaa in ay saldhig militari ka sameystaan ​​dalkeeda sanadkii2017. Turkiga ayaa isna saldhig ka dhistay Muqdisho xitaa iyadoo Imaaraadku damcay in uu saldhig ka dhisto Berbera oo ku taalla gobolka gooni u goosadka ah ee Somaliland. Imaaraatku waxa ay saldhig ku leeyihiin magaalada Bosaaso ee maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, iyo Ereteriya.

Mid kasta oo ka mid ah waddamada Geeska Afrika ayaa soo jiitay xiisaha ka imanaya gacanka, wixii ka dambeeya dhismeyaasha milateri.Turkey in Somalia on Twitter: "We are proud that the first stage of the  "Training the Trainers of Somali Police Special Forces" programme was  completed and the graduates received their certificates at

Minas Feseha, oo ah lataliyaha Wasaaradda Nabadda ee Itoobiya, ayaa u sheegay wargayska The EastAfrican in Sacuudi Carabiya iyo galaangalka sii kordhaya ee Imaaraatka ku leeyahay Geeska ay saameyn ku yeelatay “xiriirka adag ee ka dhexeeya gobollada iyo isbahaysiga ay abuureen milateriga Turkiga ee Geeska Afrika”.

Wuxuu intaas ku daray in “qalalaasaha siyaasadeed ee Yemen iyo sidoo kale khilaafka adag ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan” ay gacan ka geysteen xiisaha sii kordhaya ee gobolka.

Taageerada dowlada

Soomaaliya waxa ay xiriir dhow la leedahay Qadar, oo dalka keentay gargaar bini’aadanimo, waxayna inta badan taageertaa barnaamijyada dowladda. Turkiga ayaa magaalada Muqdisho ka hirgaliyay safaaradii ugu balaarneyd ee Afrika, waxayna dhisayaan wadooyin iyo tababarida hayadaha amaanka ee Soomaaliya iyaga oo kaashanaya Qadar.

Dhanka kale, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadku waxa ay taageerayaan dawladda ku-meel-gaarka ah ee Suudaan ee uu hoggaamiyo Cabdalla Hamdok. Sacuudiga ayaa dhawaan martigaliyay shir loogu magacdaray “Saaxiibada Suudaan” si looga caawiyo aruurinta deeqaha caalamku siiyo maamulka cusub ee Suudaan.Friends of Sudan meet in Khartoum | Radio Dabanga

Markii Qatar ay ku go’doomiyeen dalalka Khaliijo oo ku eedaynaya in ay maalgaliso waxa loogu yeero argagixisada sanadkii 2017, waxaa gobolka Geeska Afrika, ka abuurmay garoono ay ku dagaalamaan wakiillada dalalka Bariga Dhexe.

Maanta, waxaa jira saldhigyo badan oo khaliijku ku leeyahay Ereteriya, Jabuuti, Suudaan iyo Soomaaliya gaar ahaan Somaliland oo iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida iyo Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Mareykanku wuxuu saldhigyo weyn ku leeyahay Soomaaliya iyo Jabuuti halkaas oo Shiinaha sidoo kale ka dhisayo xero militari oo weyn.

Kadib xiisadii Khaliijka seddex sano ka hor, Imaaraadku wuxuu saldhig milatari ka sameystay magaalada Assab ee dalka Eriteriya halkaas oo ay kaga qayb qaateen weerarada Yemen.

Maaddaama xiisadda Khaliijku ay abuureyso laba xero oo iska soo horjeedda, marinka Carabta oo dhinac ah iyo marinka dhinaca kale ee Turkigu ugu waynyahay, dalalka bariga Afrika waxaa lagu cadaadiyey in ay doortaan cidda ay la jaan qaadayaan. Waxa ay ku khasbanaadeen in ay kala doortaan hantida Khaliijka – oo ay ku jiraan kuwo badan -Bilyan-doollar oo maalgashi ah – iyo sii-heynta xiriir diblomaasiyadeed, millatari iyo ganacsi oo soo jireen ah oo u dhexeeya Xooggaga ka soo horjeeda gacanka.

Sida laga soo xigtay Barak Barfi, oo ah cilmi baare ka tirsan hay’ad cilmi baaris oo Mareykanka New America, Khaliijka wuxuu siiyaa dhaqaale badan dalalka Afrika.

“Marka la fiiriyo hantida hydrocarbon-ka ee Imaaraadka, Qatar, iyo Saudi Arabia ay leeyihiin, marka lagu daro saboolnimada ba’an ee ka jirta gobolka Geeska iyo awoodda wax iibsi, xitaa xaddiga ugu yar ee gargaarka ayaa ka dhigan in dalalkan ay si weyn uga faa’iideysan karaan Dagaalkii Qaboobaa ee Carbeed”  ayaa lagu soo xigtay Mr Barfi.Barak Barfi - The Khashoggi Case - YouTube

Mr Barfi wuxuu yiri in kastoo laga yaabo in caawinaadu “aysan si hufan u gaarsiin doonin maalgashiga shisheeye ee tooska ah” marka la eego shirkadaha ku soo qulqulaya Geeska ee ka imanaya Bariga Dhexe, lacagtu waxay faa’iido u yeelan kartaa in la dhiso kaabayaasha muhiimka ah.

“Wax yar ayaa ka jira dhinaca militariga,” ayuu raaciyay.

Siyaasadda jilicsan

Dadka wax indha indheeya qaarkood waxa ay leeyihiin inkasta oo ifafaalaha jira uu shidaal ku kordhin karo xaaladaha siyaasadeed ee jilicsan ee gobolka ka jira hadana Meresa Tsehaye, oo ah Prof ku takhasusay cilmiga siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ee Jaamacadda Mekelle ee Itoobiya, ayaa sheegay in xifaaltanka dagaal ee wakiillada Khaliijku uu noqon karo hab “loo soo dhoofiyo dagaalka Yemen ee Geeska Afrika”.

Wuxuu sheegay in dowladaha saboolka ah ee Afrika ay sameynayaan “go’aanno indho la’aan ah” iyaga oo aan ka fiirsan cawaaqibka ka dhalan kara.

“Badda Cas iyo marinka Bab al-Mandeb (marinka laga galo Badda Cas iyo Gacanka) waxay sii ahaan doontaa xarun dagaal oo wakiillo u ah gobollada Bariga Dhexe oo leh dano murugsan iyo isbahaysi aan la saadaalin karin oo dhexdooda ah,” ayuu u sheegay The EastAfrican.

“Dhibaatooyinka sii kordhaya ee dalalka carabtu waxa ay noqon doonaan, dhinac, in ay isu muujiyaan in ay yihiin jileyaal ku habboon, iyo dhinaca kale, in ay sii wadaan dagaallada wakiillada si ay u xakameeyaan gobollada istiraatiijiga ah sida Badda Cas iyo Bab al-Mandeb ” ayuu hadalkiisa raaciyay

Falanqeeyayaasha kale waxa ay leeyihiin Suudaan, Ereteriya iyo Itoobiya waxa ay lahaan doonaan ahmiyad siyaasadeed oo aad u weyn, hoggaamiyayaashooduna waxa ay u baahan doonaan in ay la qabsadaan qaabeynta cusub ee Gobolka.Metta-Alem B. Sinishaw - Research Analyst/Evaluator - U.S. Department of  Commerce | LinkedIn

Metta-Alem, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ka hadla xaaladda Geeska Afrika, ayaa u sheegay The EastAfrican in dabeecadda macaamil ee waddamada Khaliijka ay u abuureyso jawi ku habboon hoggaamiyeyaasha in ay aqbalaan taageerada maaliyadeed si loo yareeyo caqabadaha dhaqaale.

Isha Mustaqbal Radio.