Xildhibaan Calasow oo ka hadlay Shaqa joojintii lagu sameeyay

Waxaa uu sheegay in Guddoomiyaha uusan awood u laheyn in uu gunada ka jaro ama uu shaqada ka joojiyo laakiin uu ku fashilmay shaqadda baarlamaanka Galmudug.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in uu xeerhoosaadka baarlamaanka Galmudug aysan ku qorneyn tilaabada Gudoomiye Gacal ayna la yaabeen baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa si weyn uga soo horjeestay tilaabo gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug uu ka qaaday Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaanno ka careysan warqad uu soosaaray Guddoomiyahooda Maxamed Nuur Gacal isla markaana uu shaqada uga joojiyay Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow ayaa cabasho u gudbiyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.