Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada oo xiray mid kamid ah wadooyinka Muqdisho

Ciidamada ilaalada Xarunta Madaxtooyada Soomalaiya ee loo yaqaano Koofiya Casta ayaa manta waxaa ay xireen Wadada Maka-Al I Mukarama, iyaga oo u diidaya inay dadka iyo Gaadiidka isticmaalaan.

Wararka ay heshay Shabakadda Wararka awdinle Online ayaa waxaa ay sheegayaan in sababaha ay Ciidamada u xirteen ay tahay in Maanta xariga laga jarayo Xarunta Wasaaradda Beeraha oo ku dhow Agagaarka Isgoyska KM4.

Madax sare oo ka tirsan dowladda gaar ahaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen roooble iyo Xubno kale ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan munaasabadda xariga looga jarayo Xarunta Wasaaradda Beeraha ee Magaalada Muqdisho.