Ciladihii ka dhashay xil wareejin la’aantii Kheyre oo RW Rooble kusoo baxay

Xarunta Gurmadka Qaran oo bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay uu dhagax dhigay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khere ayaa sida muuqata waxaa mar kale dhagax dhigay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirka Gargaarka ee dowladda Soomaaliya Xamza Saciid Xamza ayaa labada Ra’uusil wasaare ku wehlinayay howshaas. Ma jiro wax war ah oo xukuumadda federaalka ay ku caddeyneysay sababta labo sano oo isku xigta loo dhagax dhigay hal xarun.

13-kii bishii October ee sanadkii 2019-kii ayuu Kheyre ka qeyb galay munaasabad lagu billaabayay dhismaha xaruntaas, oo uu sheegay abuuriddeeda ay ku timid baahi weyn oo loo qabay.

“In xaruntan la dhagax dhigo waxay ka dhalatay dhacdo xanuun badan oo ay u gurmadeen dhammaan shacabka Soomaaliyeed, wiilal iyo gabdho isxilqaamay oo halkan ku shaqeeyay markii ay nagu dhacday dhacdadii 14-ka October, warbixintii ay la wadaageen xukuumadda ayaa waxay ahayd in la dhiso xarun gurmad qaran oo mustaqbalka umadda loogu adeego.” Erayadaas ayaa ka mid ahaa khudbaddii uu Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Kheyre ka jeediyay munaasabaddaas.

Bogga rasmiga ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku leeyahay Facebook-ga ayaa lasoo galiyay muuqaal laga soo duubay dhagaxdhigga Xarunta Gurmadka Qaran.